DEG-DEG – Qarax Miino oo ka Dhacay Muqdisho oo Sababay Dhimasho

Wararka naga soo gaaraya degmada Dayniile ee gaar ahaan Xaafadda Oodweyne ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax Miino.

Qaraxa ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Hal Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Qaraxaasi Miino ku dhintay halka Midkalena uu ku dhaawacmay.

Ciidamo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa durba gaaray halkaasi, waxayna qaadeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxan, si ay u gaarsiiyaan goobaha caafimaadka.

 

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.