Xiliga Golaha la horkeenayo Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ahna ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in Kalfadhiga 3-aad Kulankiisa 3-aad uu qabsoomi doono maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 31-Maarso.
Ajandaha kulanka ayuu sheegay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey in uu yahay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa dhamaan xubnaha Golaha Shacabka ee aan ku sugneyn magaalada Muqdisho faray in ugu dambeyn kusoo galaan Muqdisho maalinta Khamiista ah oo ku beegan Maarso 29-keeda 2018, si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah.
Puntlandonline.net
Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com