Kulan xasaasi ah oo dhex maray AMISOM iyo Gudoomiye Jawaari

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa xerada xalane kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Fransico Madiera iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Kulanka Guddoomiye (Jawaari) waxaa ku wehlinayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulanka oo ahaa mid saacad iyo wax ka badan socday ayaa waxaa looga hadlay xiisada ka dhalatay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cidamada la wareegay xarunta Baarlamaanka iyo howlaha sugidda amniga Xarunta.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Guddoomiye (Jawaari) ka dalbaday AMISOM sugidda ammaanka xarunta Baarlamaanka, maadaama maalmaha soo socdo lagu wado in la guda galo cod u qaadista Mooshinka.

Waxay kaloo wararku sheegayaan in Madaxda Midowga Afrika ee AMISOM ay aqbaleen inay dardar geliyaan howlaha sugidda amniga xarunta Golaha Shacabka, si xasiloonida loo sii wado, oo aanay dhicin arbushaad.

puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.