(Dhegeyso)Ciidanka Kenya oo arin naxdin badan ka gaystay Baladxaawo

0
238

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Geddo ayaa sheegay in maanta degmada Beledxaawo ay ku geeriyootay Haweenay kadib markii ciidamada Kenya ay dumiyeen Gurigeedi.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay dadkii gurigaasi lahaa iyo ciidamada dawlada Kenya dagaal dhexmaray inay ku geeriyootay haweenaydii gurigaasi iska lahayd waxaana sidoo kale uu sheegay inay degmada ka taagantahay xiisad dagaal oo u dhexaysa Kenya iyo Soomaaliya.

Guddoomiye Ku Xigeenka Amniga Iyo Siyaasadda Gobolka Geddo Mudane Cismaan Nuur Xaaji Mucalimow ayaa sheegay inuu baaqyo kaladuwan u diray Dawlada federalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland oo ka taliya deegaankaasi.

Puntlandonline.neti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here