(Dhegeyso) Faahfaahin Qarax galabtay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Hal askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qarax galabtay ka dhacay wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan Kontorool Ciidanka ilaalada Madaxtooyada ee Koofi guduuda ay ku leeyihiin isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari uu waday qof nafti halige ah ayaa waxaa ku geeriyooday ninkii waday sida ay sheegtay Wasaaradda amniga Dowladda Soomaaliya,waxaana sidookale qasaare burbur uu kasoo gaaray goobo ganacsi.

Nin isa soo miidaamiyay oo kaxeynayay gaari nuuca raaxada ah ayaa beegsaday Kontoroolka Ciidanka, goobta uu qaraxa uu ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn waxaa ku taalla Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Halkaan ka dhegeyso codka afhayeenka.

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.