(Daawo Muuqaal)-Howlgalo culus oo laga sameeyey Garoowe iyo dad lagu soo qabtay

Maamulka Degmada Garoowe oo watah cutubyo ka tirsan ciidanka Difaaca Puntland ayaa weerar ku qaaday kooxo boob kuhayey dhulka garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ee Garoowe.

Ciidanka oo ay sidoo kale weheliyeen gaadiidka, qalabka iyo shaqaalaha dowladda hoose ayaa burburiyey dhismayaal iyo seerayaal gudaha u galay xadka loo asteeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

Mudadii uu howlgalkaani socdey ayaa waxaa lagu soo bandhigay 4 dhalinyaro ah oo ciidanka isu soo dhiibey inkastoo ay dhowr kale baxsadeen ciidankuna sheegeen inay ku raad joogaan ayna xog dheeraad ah ka hayaan.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa seere mariyey dhulka loo qorsheeyey inay ku fiddo magaalada Garoowe iyo dhulka xoolo daaqeenka ah ee aan la deegaamaysan karin.

Duqa Degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir oo saxaafada kula hadlay goobta howlgalka laga sameeyey ayaa sheegay in kooxaha caadaystay boobka dhulka lagu dili doono hadii ay ka waantoobin.

Halkaan ka Daawo Muuqalka.

Puntlandonline.net

 


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.