Madaxweynihii hore ee soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo war culus soo saaray

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa si kooban wuxuu uga hadlay khilaafka xooggan ee xilligaan ka dhex taagan guddoomiye Jawaari iyo Ra’iisul asaare Xasan Cali Kheyre.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook ayuu ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay khilaafkan, isaga oo tilmamay in dowladdan laga sugayey waxqabad iyo horumar.

“Ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha golaha shacabka iyo xildhibaannadaba waxaan leeyahay khilaafkiina ku dhameeya miiska wadahadalka, waxaan kaloo leeyahay ka shaqeeya horumarka iyo nabadda dalka, ma ahayn xilligaan watqigii khilaafka” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxa uu kula dardaarmay xildhibaanada golaha shacabka ah uney joojiyaan siyaasadda is diidan oo ay u daneeyaan shacabka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.