Gaari looga shakiyey inuu sido hilib dad oo lagu qabtay Muqdisho

0
895

Ciidamada Booliska degmada Cabdul Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa  waxa ay qabteyn Gaari Hilib wado kaas oo Ciidamadu ay uga shakiyeen in hilibka uu yahay mid Bani’aadam.

Gaarigaan oo noociisu yahay Deyno ayaa la sheegay in uu wado Hilib aad u farabadan oo isbedelay,isla markaana uu uray taas oo keentay in Ciidamada Booliska degmada Cabdul Casiis ay ka shakiyaan.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Gaariga hadda lagu haayo Saldhiga Beri ee degmada Cabdul Casiis,isla markaana dadka watay ay sheegayaan in hilibkaan uu ka soo halaabay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Deegaanka Ceel Madsen ee G/Shabeellaha dhexe,iyaga oo doonayay in Xamarweyne ay ku iibiyaan.

Laamaha Amniga oo hilibkaan Gaariga saaran uga shakisan in uu yahay Mid Bani’aadam ayaa haatan baaritaano ku haaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here