(Dhegeyso)Aqalka Sare oo dalbaday in Baaris degdeg ah la sameeyo

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxa ay ku dhawaaqeen Guddi loogu tala galay in ay soo baaraan Weerarkii lagu qaaday guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale ” Qeybdiid”

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in Guddigaan ay heystaan Muddo gaaban, islamarkaana maalmo kooban ka dib ay ku dhawaaqi doonaan Natiijadda Baarista.

Senetaradda Aqalka Sare ayaa horay u ansixiyay in Guddi loo saaro Kiiskaasi , Maadaama Cabdi qeybdiid uu sheegay in uusan ku kalsooneyn Guddi uu horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Halkaan ka dhegeyso codka.

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.