(Dhegeyso)-Cabsi ka taagan Degmada Xarfo ee Gobalka Mudug

0
505

Maamulka Degmada Xarfo ee Gobalka Mudug ayaa digay in xiligan oo lagu jiro xili roobaadkii guga in shuban uga dilaaco Degmadaasi,sidii dhacay gugaan kii ka horeeyey.

Gudoomiyaha ururka isxilqaamayaasha Degmada Xarfo ee gobolka Mudug ee Dhaxal Reeb Mudane Cabdi Xaantiye ayaa shacabka degmada iyo deegaanadeeda ugu baaqay inay iska ilaaliyaan shuban biyood markale ka dilaaca degmadaasi.

Cabdi Xaantiye ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in shacabka Berkadaha biyaha lagu kaydiyo leh ay Nadiifiyaan Kanaaladda ama wadooyinka ay biyuhu usoo marayaan Meelaha lagu kaydinayo biyaha.

Degmada Xarfo ee Gobalka Mudug ayaa xili roobaadkaan kii ka horeeyey waxaa ka dilaacay cudurka Shubanka kaas oo ay u geeriyoodeen dad u badnaa caruur.

Halkaan ka dhegeyso codka.

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here