Daawo-Soomaaliland oo xabsiga dhigtay 4 Ruux oo ajaanib ah, iyo qorshe halis ah oo ay ka wadeen Soomaaliland

Maamulka Gobalka Sanaag dhanka Soomaaliland maamusho ayaa xabsiga dhigay koox ajaanib ah oo uu hogaaminayo wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliland Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil.

Gudoomiyaha Gobalka Sanaag ee Soomaaliland Maxamed Axmed Caalim (Tiim) ayaa sheegay amarka lagu xiray ajaanibtaan inuu kasoo baxay dowladda dhexe ee Soomaaliland.

Kooxdaan ajaanibtaa oo ka kooban afar qof oo dhalasho ahaan kasoo kala jeeda Dalalka Maraykanka,Ingiriiska iyo China ayaa lagu xiray saldhiga dhexe ee Magaalada Ceerigaabo.

Gudoomiyaha Gobalka Sanaag ee Soomaaliland Maxamed Axmed Caalim ayaa sheegay ajaanibtaan inay u socdeen buuraha Gobalka Sanaag si ay uga baaraan macdan waxaana uu intaa ku daray inaysan ajaanib u ogolaan doonin deegaanada Somaaliland inay macdan ka gurtaan.

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.