Daawo Muuqaal-Wafdi ka socda Puntland oo booqday jiida hore ee Tuka-raq iyo cabsi ka jirtah

0
520

Gudoomiye Ku-xigeenka barlamaanka Puntland, wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa maanta booqday qaar kamid ah fariisimada ciidanka Puntland ee duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan ciidanka Puntland iyo Soomaaliland.

Waftigaan ballaaran oo booqday fariisimada ciidanka dowladda Puntland ayaa xog waraystay ciidanka waxaana qaar kamida h masuuliyiintu ay fariisin ka samaysteen ciidanka dhexdiisa.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa soo baxayey warar sheegayey in siyaasiyiinta xilalka ka haysa Puntland ee ka soo jeeda gobolada Sool aysan ku qanacsanayn in dowlada Puntland ay ka hadasho arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyadoo aan weli Soomaaliland laga saarin gobolka Sool.

Ilaaa hadda majiraan warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shirar ay guriga Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey, ku yeesheen wasiiro, Xildhibaano & Isimo ka soo jeeda gobaladaas, kuwaas oo ay uga hadleen xaaladdaha cusub ee dhanka dagaalka ku saabsan.

Daawo Muuqaalka.

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here