Aqalka sare oo ka hadlay Xiisadda ka taagan baladxaawo iyo 4 wasiir oo loo yeeray

0
196

Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay u yeereen Afar ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kadib kulan ay maanta ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Wasiiradaan ayaa aqalka wax ka weydiinayaa dhibaatada dhanka xuduudka ah ee ka taagan Magaalada Baladxaawo taas oo u dhaxaysa ciidamada Kenya iyo dadka shacabka ah.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku soo xadgudubtay dhulka Soomaaliya,isaga oo Golaha Aqalka sare warbixin ka siiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhaca Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Intaasi kadib xubnaha Aqalka sare ayaa u yeeray Afartaan Wasiir oo kala ah Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Wasiirka Arrimaha gudaha,Cabdi Maxamed Zabriye iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Axmed Ciise Cawad si wax looga weeydiiyo waxa ay ka ogyihiin xadgudubka dowladda Kenya ay ku sameysay dhulka Soomaaliya.

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here