(Xog) Madaxweyne Farmaajo oo qorshaynaya inuu badalo Xasan Cali Khayre.

0
584

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaliya Maxamed C/lahi Maxamed Farmaajo ayaa diyaarsaday shaqsiga uu ka dhigayo Ra’iisul wasaare haddii Kheyre looga guuleysto mooshinnadan hadda socda.

Ilo ku dhow madaxweynaha ayaa inoo sheegay in markaan uu madaxweynuhu doonaayo in xilkaan uu u dhiibo shaqsi kasoo jeeda beesha Habar-gidir.

Waliba si gaar ah waxaa shaqsigan u keensanaya sida naloo sheegay xisbiga Daljir, balse magaciisa inooma suurtagelin in aan helno.

Farmajo ayaa fulinaya ballanqaad uu horey beesha Habargidir ugu sameeyay, kahor inta aanu xilkaan ku guuleysan.

Kheyre ayaa loo baqayaa in mooshin xilka looga qaado, waa haddii Jawaari uu ka badbaado mooshinka kusoo wajahan.

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here