(Maqaal)-Waa Maxay Hanaan Dowladnimo

0
204

Dowladnimada {Governance} Marka laga hadlaayo culuumta Siyaasada waxaa lagu qeexaa in ay tahay hanaan maamuleed oo bulsho ay baahi u qabto oo kala haga danahooda bulshadeed mid dhaqaale iyo siyaasad iyo kuwo kaleba. Waa hanaan qorsheeya go’aanka gaarida tartan loo maro cadaalad iyo go’aan wada jira xageeda hogaanka. Dowladnima ayaa noqoneysa mid caalami ah mid dal iyo mid deegaan.

Xukuumad ahaana waxaa loo qeybin karaa heer dhexe, gobol & mid hoose. Hey’adaha hogaamiyana waxaa loo kala saari karaa kuwo sharci dejin (Parliament), fulin (Cabinet) & Garsoor (Judiciary). Xukuumada waxeey qeyb weyn ka tahay jilayaasha Dowladnimada.
Aragtida dowladnimada waa aragti ku saleysan yaa xaq u leh in uu wax maamulo, qaanuun dejiyo iwm. Sideese loo qeybsan doonaa ama loo qeybsanayaa waxa dowladnimad ay keento ee awood ah ama Dhaqaale ah, magac ah, fursado ah maamuus ah oo dowladu keento.

Falsafada Dowladnimo ama siyaasadeed waxaa kor u qaada oo buunbuuniya umadaha markaa jira ee ay kasoo dhex baxdo sidaa darteed ayaa Dimuqraadiyada hanaanka ahi u noqday mid caan ah oo Idaacadaha ka hadlaan aadna loo buunbuuniyo in uu guul u yahay hanaan Dowladnimadeedka jira caalamka.

Waa Maxay Musuq Maasuqo?

Musuqmaasaqu waa isticmaalka uu u istcimaalo awoodiisa qof dawladda meel sare ka haystaa ( The use of power by government officials for illegitimate private gain.) Si uu u korarsado ama uu u helo wax aanu xaq u lahayn.

Noocyada musuqmaasuqa ayaa aad u badan oo aan la soo koobi karin. Balse haddii aan taabto qaar ka mid ah ( Forms of corruption vary.) Waxa aynu aad u naqaanaa oo laga isticimaalaa Somaliya :

1. Nepotism and cronyism, Kelmaddan (‘Nabiotism)’ ayaa ka timid erayga naabiga ama Xafaayada loo xidho caruurta dhalatay oo looga dhiga wasakhda ka timaada. Waxaana looga Jeedaa ( Favoring ) ama u eexasho ama hiil aad u hiiliso shiqsi ama koox dad ah oo aad wax wadaagtaan ‘Friendship’ ama saaxiibtinomo, xigto, qaraabo ama siyaasad iwm.

Arrintan iyada ah ayaan ka madhnayn ‘Bribery’ ama laaluush aad ka qaadato qofkaa aad u samaysay eexda.

Tusaale: Eexashada ayaa ahaan karta inaad siiso Contract adiga oo ka qaadanaaya laauush ama contaragaa aad qofkaa siisay iska leh qayb ama % aad qofkaa kula hishiisey.

Noocan Musuqmaasuqa ayaa ah ka labaad ee ugu weyn noocyada musuqmaasaqyada laga isticimaalo Puntland. isla markaana ay aad u isticimaalaan Madaxda ugu saraysa Puntland wakhtigan

Marka aad u dhabo gasho ee aad ku samayso baadhis aad u badan oo ka madaxbanaan qabyaalad, siyaasad iyo eexasho. Waxa aad si fudud u ogaan kartaa Madaxda dalka ugu saraysaa noocyada musuqmaasaqa ee ay isticimaalaan, iyo waliba qaar badan oo Madaxdaa ka mid ah oo haba yaraatee aan isticimaalin Musuqmaasuq nooca uu yahayba. Wal Xamdu Lillaah.

Tusaale: Mar aan tegay Garoowe ayaa waxa aan arkay in Madaxda qaar aanay lacagba haysan. Halka ay qaar kalena ay taajireen. Markii aan sii baadhay waxa aan ogaadey kuwa aan lacagta haysan in ay yihiin kuwa ugu xalaal cunka badan Puntland ee ka caaggan in ay sameeyaan musuqmaasuqa, inkasta oo ay heleen furasado ay ku taajiraan ama ay lacag ku samaystaan.

Horumarka dad gaaro iyo hanaanka Dowladnimo ee ka jira dal iskuma xidhna oo waa la Gaadhi karaa horumar iyadoo hanaanka dowladnimo yahay mid faashil ah.
La Soco Qabta Labaad:-Waa Maxay Dowlad Wanaag?

Jama Feyte- Falanqeeye Siyaasadeed oo Degen Gobolka TX ee USA

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here