(Sawirro)-Haweenka Puntland oo shir ugu soo xirmay Garowe

0
36

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland ayaa maantay u soo xirtay 60 haween ah oo ka socday gobalada iyo degmooyinka Puntland.

Tababarkaan oo soconayey mudo 6 maalmood ah ayaa xiritaankiisa waxaa kasoo qaybgalay Marwada Madaxweynaha Puntland Drs Hodan Siciid Cismaan,Wasiirka Haweenka Puntland Marwo Maryan Axmed Cali iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland.

Tababaradaan oo ah labo qaybood ayaa qaybta koowaad waxaa loo qabtay 30 haweenka oo ka socday 8 degmo iyo magaalada Garowe,halka tababarka labaadna loo qabtay 30 haweenka oo ka socday 11 degmo.

Tababarkaan ayaa Haweenku ku baranayeen hogaaminta iyo sidii haweenku ay u noqon lahaayeen kuwo awood u eleh inay wax ka dhaadhiciyaan eheladood iyo Bulshada ay kamid yihiin,islamarkaana ay kasban karaan Bulshada.

Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Maryan Axmed Cali ayaa ku kula dardaarantay haweenka inay ka faa,iidaystaan aqoonta ay barteen iyadoo sheegay in wasaaradu ay ku howlan tahay kor u qaadida awooda Haweenka Puntland.

Marwada Madaxweynaha Puntland Drs Hodan Siciid Cismaan ayaa ku amaantay Wasaaradda Haweenka Puntland dadaalada ay ugu jirto horumarinta Haweenka Puntland,iyadoo sidookale Haweenka ugu baaqday inay ku dadaalaan sidii  ay u heli lahaayeen xuquuqdooda Dastuuriga ah.

Sawirro.

Puntlandonline.net

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here