Dumar Lagu sumeeyay Muqdisho

0
150

Weerarkan ayey dadka qaarkood waxay ku tilmaameen inuusan ahayn mid caadi ah. Qaar ka mid ah gabdhahaas xaaladdooda waxaa la soo sheegay in ay liidato, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Weerarka oo ka dhacay degmada Cabdulcasiis ayuu weriye BBC ka tirsan sheegay in ay ka dambeeyeen rag saarnaa gaari aan taargo lahayn oo noociisu ahaa Toyota Noah, sida ay u sheegtay Basmo Caamir oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir.

Dad gaariga saarnaa ayaa lagu soo warramay inaya sun aan nooceeda la sheegin ku buufiyeen haweenkaas, xilli ay hawlo nadaafadeed wadeen, kuwaasoo 11 ka mid ah ay waxyeello soo gaartay, 4 ka mid ahna ay aad u liitaan.

Wariyaheennu wuxuu sheegay in hawlwadeennada caafimaadka iyo laamaha amaankaba ay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan wixii dhacay, hase yeeshee wuxuu sheegay in dembi baarayaal booliska ka tirsan ay qaadeen dhacaanno, si loo ogaado nooca suntan la adeegsaday.

Waa markii ugu horraysay ee weerar sun ah loo adeegsado Muqdisho inta la ogyahay taariikhda, waxayna dad badan ka cabsi qabaan in mar kale uu weerarkaas oo kale dhaco, ayadoo aysan Soomaaliya lahayn imkaaniyaad wax looga qaban karo sunta kiimikada iyo tan bayolojiga.

 

Xigasho: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here