(Dhegeyso)-14 Ruux oo ku dhimatay qaraxii maantay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo dhaawaca

Inta la xaqiijiyey 14 Ruux ayaa ku geeriyooday 6 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo ururka Alshabaab ay ku qaadeen meherad lagu qaxweeyo oo kasoo horjeeda Hotelka weheliye ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowladda Soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan oo la hadlay ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhimashada iyo dhaawac qaraxa ka dhashay.

Ciidanka amaanka Dowladda Federalka ayaa markiiba goobta soo gaaray iyagoo howlgalo goobta ka bilaabay.

Halkaan ka dhegeyso codka Afhayeenka.

Dhankale goobjooge ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta uga waramay sida uu qaraxu u dhacay.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.