AUN Garyaqaankii Guud ee Puntland oo caawa Garoowe ku geeriyooday

AUN waxaa goor dhow Isbitaalka Guud ee Garoowe ku geeriyooday garyaqaankii  guud ee Puntland Maxamed Muuse Ismaaciil.

Garyaqaanka ayaa mudooyinkii danbe xanuunsanaa iyadoo dhowr jeer dalka dibadiisa xaalad Caafimaad loogu qaaday.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuumka dowlada iyo shacabka Puntland uga tacsiyeeyey geerida xeer ilaaliyaha.

AUN naxariistee Garyaqaankii guud ee Puntland ayaa bari aas uu ka qaybgalayo Madaxweynaha Puntland loogu samaynayaa Magaalada Garoowe sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Maamulka Puntlandonline.net ayaa uga tacsiyeynaya eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuumka waxaana ay alle uga baryayaan inuu samir iyo Iimaan ka siiyo.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.