Dhegeyso-Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Xaalad Dagaal

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maantay tababar u soo xirtay cutub ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliya oo mudo 9 bilood ah tabar qaadanayey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliye Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ciidammadaan ku baraarujiyey in si daacad iyo howlkarnimo  ku jirto ay ugu addeegaan Qaranka, waxaana uu tilmaamay in looga baahan yahay  difaaca dalka iyo sugida Ammaanka Qaranka in masuuliyad gaar ah ay iska saaraan.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay ku jirto dagaal ka dhan ah Nabad diidka Alshabaab, islamarkaana dhowaan la qorsheynayo in Kooxdaasi laga itaalka roonaaday gabi ahaanba  laga Taqaluso.

Ciidankaan tababarka loo soo xiray ayaa la baray Gaadda ka ciyaarka Ciidammadda, Isticmaalka iyo Farsamadda hubka fudud, Farsmadda Howlgalada iyo Difaaca, Ilaalinta Xabsiyadda iyo Maxaabiista, Disibiliinka iyo Xeerka C.Q.S.S iyo  kuwa kale.

Sawirro.

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.