DAAWO:-Taliska Qaybta Booliska Gobalka Nugaal oo ciidamo dheeraad ah dalbaday iyo Xaalada……

0
225

Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Nugaal Faarax Cabdiraxmaan Warsame Daad(Galangooli) oo maantay warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey xaalada amaan ee Magaalada Garoowe.

Taliyaha Qaybta oo ka hadlay Moobil furashada ayaa sheegay in cidii ay ku qabtaan Falalka Furashada Moobilada ayaa sheegay in la xirayo islamarkaana loo gudbin doono jeelalka Puntland.

Wuxuu sidookale ka hadlay gaadiidka Bacaha Madow oo kusoo badanayey magaalada Garoowe,isagoo sheegay in laga fiiqayo lagana qaadi doono lacago ganaax ah.

Arimaha dhulka mar uu ka hadlay wuxuu sheegay in ciidamo amaanka suga ay ka dalbadeen Gobalka Bari kuwaas oo la dagaalami doona kooxo uu sheegay inay u baabulanyihiin qaab qabiil,Qaab urur diimeed iyo Qaab kooxeed.

Halkaan Hoose Ka Daawo Muuqaalka.

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here