DAAWO-Duuliye sare khaliif Ciise Mudan oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne 2019

0
369

Wasiirkii hore ee Amniga Puntland Duuliye Sare Khaliif Ciise Mudan oo maantay shir jaraa,id ku qabtay Magaalada Nairobi ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan Madaxweynaha Puntland 2019.

Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay inuu wax badan ka qaban doono Puntland gaar ahaan Amniga isagoo sheegay inuu buuralayda galgala ka saari doono kooxaha Nabad diidka ah.

Dhaqaalaha,Arimaha Bulshada,Siyaasadda iyo Maamul wanaaga ayuu sheegay inuu wax badan ka qaban doono.

Khaliif Ciise Mudan ayaa shirkiisa jaraa,id siiwatada ayaa sheegay inuu soo celin doono soodimaha Puntland,Dhalinyarada ayuu sidookale sheegay inuu door weyn ka siin doono xukuumadiisa.

Khaliif Ciise Yuusuf (loo yaqaan Kalif Isse Mudan, waa nin ganacsade ah asal ahaanna ka soo jeeda gobolada Puntland,Khaliif wuxuu ku dhasay Qardho bartamihii qarnigii hore ee sannadihii kontomeeyadii;

Intii ay jirtay dawladdii hore ee Soomaaliya Khaliif waxa uu ahaa duuliye ka tirsanaa ciidamadii cirka ee Soomaaliya laga soo bilaabo sannadkii 1971kii; wuxuuna ka soo qayb qaatay dhammaan howlgalladii ciidamada cirka dagaalladii Soomaaliya iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here