(Warbixin) Khilaafka Xukuumadda iyo Golaha Shacabka oo saamayn ku yeeshay Madaxda Dowlad Gobaleedyada

0
235

Khilaafka ka dhexeeya Xukuumadda Federalka iyo Golaha Shacabka ayaa saamayn ku yeeshay Madaxda dowlad Gobaleedyada.

Madaxda dowlad Gobaleedyada oo ku midaysan Madasha Wadatashiga Dowlad Gobaleedyada ayaa waxaa Baaqday  shir maantay uga furmi lahaa Magaalada Garoowe,iyadoo sababta shirku u baaqdayna lagu sheegay khilaafka ka dhexeeya xukuumada iyo golaha shacabka sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah.

Madaxweynaha Koonfur galbeed shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa taakeersan Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa iyaguna taageersan gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyagoo u ololaynaya sidii uu kursiga u sii joogi lahaa.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo si weyn gadaal uga riixaya Mooshinka ayaa kasoo horjeeday Jawaari xiligii loo tartamayey gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,isagoo u arkayey mid ka gaabiyey Danaha Deegaanada uu kasoo jeedo isagoo xiligaas u ololaynayey Cabdi Fitaax Geesay oo horay soo noqday Gudoomiyaha Gobalka Baay.

Madaxweynayaasha Puntland,Jubbaland iyo Galmudug ayaa iyaguna waxaa uu khilaaf kala dhexeeyaa Raysalwaasaraha Xukuumada Federalka Xasan Cali Khayre oo lagu eedaynayo in mooshinka laga soo abaabulay Xafiiskiisa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa aqbalay Mooshinka laga soo gudbiyey isagoo dalbaday in cod la galiyo,balse xildhibaanada mucaaradka ku ah ayaa ku caadinaya inuu iscasilo.

Lama oga halka ay arimahaan ku biyo shuban doonaan iyadoo shacabka Soomaaliyeed oo si weyn malmihii danbe u hadal hayey arimahaan kusoo kordhay siyaadda Dalka ay  ka war dhowrayaan halka Xaalku ku danbayn doono.

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here