Toogasho caawa ka dhacday Magaalada Muqdisho

Koox Dablay hubaysan ayaa degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Macalin Nuur waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Millitariga Soomaaliya.

Koox ku hubeysneyd Bastoolado ayaa beegsaday Sarkaalkan ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn gurigiisa, isla goobta ayuuna ku geeryooday.
Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa sarkaalka la dilay waxa ay magaciisa ku sheegeen Maxamed Xasan Ciise, kaasi oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka.

Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa Xasilinta ayaa caawa Howlgallo ka wada xaafado ka tirsan degmada Dharkeynley, waxayna ku raadjoogaan raggii dilka geystay oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

18-kii bishan laba Habeen ka hor waxaa xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley gaar ahaan goobtiisa ganacsi lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Millitariga Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabi jiray Yuusuf.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.