(Dhegeyso)-Jabhada ONLF Oo Shaaca Ka Qaaday In Qalbi-Dhagax Xabsiga Lagu Jirdilo

0
444

Madaxda Jabhada ONLF ee dagaalka kula jirta Itoobiya ayaa ka hadashay xaalada Siyaasiga Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ahaa madaxda jabhadaas,kaas oo dowladda Soomaaliya ay u Gacan gelisay Itoobiya.

Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Hirmooge oo wareysi siiyay radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in siyaasiga ay heysato xaalad xun kadib markii sida uu sheegay ay culeys Siyaasadeed ay saartay dowladda Itoobiya.

Waxa uu sheegay in siyaasiga lagu amray in uu la hadlayo Warbaahinta sheegana in uu ka tanaasulay fikirkii uu horay u qabay,isla markaana uu ku baaqo in la dhiirigeliyo Taliska Itoobiya.

Sidoo kale afhayeenku waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in weli ay dhibaato culus heysato Qalbi-Dhagax maalin walbana Xabsiga lagu jirdilo sida uu hadalka u dhigay,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here