Cabsi ka taagan Degmada Qandala iyo Deegaano hoostaga

0
413

Warark aan ka helayno Degmada Qandala ee Gobalka Bari ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan degmada Qandala  iyo deegaamo hoosyimaada.

Qaar kamid ah dadka shacabka ah ee kunool deegaamada hoosyimaada degmada Qandala gaar ahaan dadka reer guuraaga ah ayaa sheegaya in dadka iyo duunyadaba looga cabsi qabo inay harraad u dhintaan, kadib markii ay marteen baraagihii biyaha laga cabijirey inta dhimmanna qiimohoodu cirka isku shareeray.

Mid kamid ah wax garadka deegaanka Ceel-gaal ayaa sheegay in biyo la’aan aad u xun ay ka jirto  deegaankaasi bootaha ama booyadda biyaha ahna aysan dadku iibsan karin maadaama qiimihii aad u kacay.

Deegaamada hoosyimaada Qandala ayaa waxaa ku dagaalamay ciidanka difaaca Puntland iyo malayshiyaad katirsan Kooxda Daacish, waxaana dadka qaar saamayn kuyeeshay Daacish oo mararka qaar xoolaha kadhacda.

Puntlandonline.net

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here