(Dhegeyso +Sawirro) Wasaaradda dekedaha Puntland oo faahfaahin ka bixisay hantida saarnayd doonta ku gubatay Boosaaso iyo labo Ruux oo ku dhaawacmay

0
355

Labo Ruux oo kamid ah 16 shaqaale ayaa ku dhaawacmay dooni maantay ku gubatay meel u dhow Dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Dhaawaca labadaan Ruux ayaa la geeyey Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso si loola tacaalo xaaladooda sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland.

Doonta ayaa sidookale waxaa ku gubtay dhamaan hantidii saarnayd soo isugu jirtay Bagaash,Gawaari,Shidaal Gaaska cuntada iyo Badeecooyin kale sida uu sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland.

Hanitada saarnayd doonta oo u rarnayd ganacsatada Puntland ayaa Wasiirku sheegay in lagu qiyaasayo 1100 (Kun iyo Boqol Tan).

Wasiir ku xigeenka Wasaradda Dekedaha PuntlandĀ  Cabdirisaaq Nuur Cumar ayaa sheegay in doonida ay cilladi ka soo wajahday dhanka matoorka ugu dambayntiina uu dabku gaarey qaybaha kale.

Halkaan Hoose ka dhegeyso Shirka Jaraa,id ee wasiirka.

Puntlandonline.net

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here