WARARKII UGU DAMBEEYEY-Hubkii Ugu Badnaa oo Laga Dejiyey Xeebaha Mudug iyo Alshabab oo Gaadiid Ku Daabulay.

0
165

Xogo hoose oo soo baxayey 24-kii saac ee ugu dambeeyey ayaa sheegaya in degaanka Faax oo ka tirsan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, ay ku soo xirteen doonyo saanad iyo hub dagaal u sidey ururka Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Saanaddaan iyo hubka milatariga ayaa la rumaysan yahay in doonyahaani ay ka soo qaadeen xeebaha wadanka Yemen ee ay deriska yihiin Soomaaliya, islamarkaana dowlad la’aan ahaa sanadihii ugu dambeeyey.

Ilo Muqaabaraad ah ayaa xaqiijiyay shalay illaa doraad gaadiidka kala duwan in dakadda deegaanka Faax ay ka aruurinayeen hubka Shabaab ay halkaasi kala soo dageen, waxayna dadka deegaanka sheegeen inay arkayeen gaadiidka dagaalka iyo kuwa xamuulka oo Shabaab saanada Militari ay ku raranayeen.

Gaadiidka dagaalka Shabaab ee saanada Militari lagu soo qaaday ayaa ka soo ruqaansaday Degmada Xarardheere, waxayna sii mareen Degmada Jowle iyaga oo u sii gudbay dhanka Gobolka Galgaduud.

Saanada Militari ayaa la sheegay in la geeyay degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana sida qorshaha uu yahay la doonayaa in loo qaybiyo ciidamada jabhadaha Al-Shabaab ee ku sugan Gobolada Mudug, Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe si ay dagaalo ugu qaadaan.

Sanadkii 2015-kii ayey ahayd markii Alshabaab iska soo urursaday deegaamo katirsan xeebaha gobolka Mudug ay weerar dhanka badda ah ku soo qaadeen Puntland, iyagoona jab iyo leel leel kala kulmay kadib markii ciidanka Puntland jebiyeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here