(Sawirro+Dhegeyso ) Garoonka Ciyaaraha Garoowe oo Casri laga dhigayo

Waxaa maantay Magaalada Garoowe lagu daahfuray kulan looga hadlayo U qareemidda dhismaha Garoonka ciyaaraha Garoowe oo la qorshaynayo inuu noqdo Garoon caalami ah oo roog ah.

Waxaa lagu dhawaaqay gudigii ka shaqayn lahaa dhismaha garoonka oo noqonaya mid casi ah.

Wasiirka Shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland Cabdiraxmaan shiikh Axmed Cabdule aya bogaadiyey howshaan lagu dhisayo Garoonka mire awaare iyo sidookale garoonka cawaale ee Magaalada Gaalkacyo.

Wasaarada Cayaaraha Puntland iyo Maamulka gobolka ayaa sheegay in kharashka lagu dhisayo garoonka Mira Awaare laga aruurinayo shacabka ,iyadoona dawladuna qaybteeda ka qaadanayso.

Garoonka Kubadda Cagta Cawaale ee Magaalada Gaalkacyo ayaa bulshada ku dhaqan halkaasi waxa ay isku xilqaameen aruurinta lacago lagu dhisayo garoonka ,waxaana kala qaybqaatay Maamulka, asagoona hadda maraya meel gabo gabo ah.

Hoos ka akhriso liiska Guddiga.

Halkaan ka dhegeyso Codka.

Halkaan ka daawo Sawirro.

Puntlandonline.net

 


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.