Putin oo mar kale ku Guuleystay Madaxtinimada Dalka Ruushka

Madaxwayne Vladimir Putin ayaa 6 sano oo kale xafiiska sii hayn doona ka dib markii uu si wayn ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Madaxwayne Putin ayaa waxaa doorashadan kula loolamaysa ilaa 7 musharax oo kale. .

Khudbadda guusha oo uu ka jeediyay magaaladda Moscow ayaa waxa uu sheegay in natiijada doorashada uu u arko in ay tahay kalsooni la siiyay waxqabadkiisa.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay guusha uu ka gaaray doorashada madaxtinimda Ruushka, waxaa uuna sheegay in arrintani ay ku timid waxqabadkiisa.

Madaxwayne Putin ayaa sidoo kale ku baaqay midnimo iyo isku duubnaan.

Mar u ka hadlayay isu soo bax balaaran oo lagu qabtay bartamaha cassimada Moscow ayaa madaxwayne Putin waxaa uu sheegay in natiijada doorashada ay ka tarjumeeyso kalsooni iyo ay shacabka ku qabaan.

Putin ayaa hogaanka dalkaasi hayay tan iyo 1999 waxa una Mar so noqday raisal wasaraa Ruushka .

Hogaamiyahii Mucaaradka ee ugu cadcaddaa doorashada Alexei Navalny ayaa laga mamnuucay in uu doorashada ka qeybqaato.

Dhanka kale Mr Putin ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in uu xilka haynayo inta cimrigisa ka dhiman.

 

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.