Imaaraadka oo aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliland

0
250

Guddoomiyah Xisbiga Mucaaridka ah ee Maamulka Somaliland Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka oggolaatay in Baasaboorka Somaliland ay ku tagaan dalkaas.

Waxaa uu ka hadlayay heshiis Maamulka Somaliland iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ku dhexmaray Magaalada Dubai ee dalkaasi.

Faysal waxaa uu sheegay in Baasaboorka Somaliland lagu tagayo Imaaraadka sidoo kalena ay dowladda Imaaraadka kala shaqeyneyso Maamulkooda sidii ay Waddamada kale ee Khaliijka u oggolaan lahaayeen.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Imaaraadka uu ballan qaaday dhismaha Labo Isbitaal oo uu ka dhisayo Gudaha Somaliland sidoo kalena ay mahsaariic ka fulinayaan gudah maamulka Somaliland.

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here