Faahfaahin doon ku gubatay Dekeda Boosaaso

Dooni u rarnayd Ganacsatada Puntland ayaa ku gubatay meel aan ka fogayn halka ay kusoo xirtaan maraakiibta iyo doonyaha ee u dhow Dekeda Magaalada Boosaaso.

Doonta ayaa u rarnayd ganacsatada Puntland,waxaana saarnaa shixnado ganacsi oo u badnaa shidaal iyo gaaska cuntada lagu karsado sida ay Puntlandonline.net u sheegeen ilo wareedyo doonta ka agdhow.

Hantida saarnayd doonta ayaa gabi ahaanba gubatay waxaana guul daraystay dadaalo la doonayey in lagu badbaadiyo hantida saarnayd doonta,lama oga waxa dhaliyey oo ka kacay gurdaha Doonta.

Wixii faahfaahin ah goor dhow filo

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.