Xog:-Xagee ku danbeeyeen Alshabaabkii ka baxsaday guri ku yaala Garoowe

0
505

Bishii February 26, 2018 ayaa waxaa guri ku yaala Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa ka baxsaday 13 dhalinyaro ah oo kamid ah ururka Alshabaab.

Warar uu helay Puntlandonline.net ayaa waxaa ay sheegayaan in ragaas ay hada ku sugan yihiin deegaano kamid ah Gobalka Hiraan.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Asluubta Puntland oo magaciisa qariyey ayaa u sheegay Puntlandonline.net in ragaas ay ku biireen Alshabaabka ku sugan Gobalka Hiiraan.

Sarkaalkaan waxaa uu intaa ku daray in marwalba ay u soo diraan taleefoon iyagoo ugu hanjabaya inay dili doonaan.

”Ragaas hada waxay ku sugan yihiin Gobalka Hiiraan waana ay nasoo wacaan markasta iyagoo noo hanjabaya”ayuu yiri sarkaalkaan magaciisa qariyey.

Guriga lagu hayey dhalinyarada baxsatey ayaa loogu yeeraa Safe House, waxaana mashruuc ku qaatey, shirkad si gaar ah loo leeyahay, waxaana ilaalo ka hayey askar aan dowli ahayn oo gaar ah (Private Army).

Maxaabiistaan Baxsatay ayaa kamid ah ku dhawaad 40 dhalinyaro ah oo lagu soo qabtay dagaalkii 2016 dhex maray Puntlad iyo maleeshiyaad ka tirsan ururka Alshabaab.

Puntland ayaan ilaa iyo hada wax war ah kasoo saarin baxsashada Maxaabiistaan oo loo hayey dhaqan celin maadaama la sheegay inaysan gaarin da,dii qaangaarka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here