Wararkii Ugu dambeeyay Mooshinka Jawaari iyo halka saakay xaal marayo.

0
447

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay sii xoogeestay khilaafka ka dhax aloosan Xildhibaanada Baarlamaanka ee labada garab u kala jabay, waxaana xalay ilaa saakay Muqdisho ka socda kulamo ay leeyihiin Xildhibaanada iska soo horjeeda.

Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Jawaari ayaa kulamada xoogooda ku leh magaalada Muqdisho, waxa ayna Xildhibaanadan ka shaqeenayaan sidii loo heli lahaa codad ku filan oo kalsoonida lagala noqon karo Jawaari

Sidookale Saacidihii ugu dambeeyay Xubno ka socda Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Guddoomiye Jawaari waxa ay ka codsadeen inuu iscasilo si loo badbaadiyo Baarlamaanka 10-aad oo xiisada hadii ay sii socoto gabi ahaan shaqada joogsan karto mudo aad u badan taasoo dhibaato ku ah Golaha sharci dajinta.

Xubnahan Xildhibaanada ee la kulmay Jawaari ayaa u sheegay inay iyaga ka madax banaan yihiin khilaafka socda balse xalka uu ula muuqdo inuu iscasilo intii Xildhibaanada Mooshinka xilka kaga qaadi lahaayeen.

Guddoomiye Jawaari ayaa ka biyo diiday arintaasi wuxuuna si caro leh kaga baxay Xafiiskii uu kulanka gaarka ah kula yeelanayay xildhibaanadan isagoona u sheegay inuu sii ahaan doono Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Dhankale Xog hoose ayaa sheegeysa in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay ka faa’iideysanayaan Khilaafka u dhaxeeya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan  Jawaari iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Islow oo khilaaf xoogan uu hore kala dhaxeeyay Guddoomiye Jawaari ayaa ka mid ah shaqsiyaad Xildhibaanada ugu badan usoo xira galinaya Ra’iisul wasaare Kheyre, isagoo doonaya inuu ka cad goosto Jawaari oo hore dhowr jeer ay iskugu dhaceen.

Wasiir Islow ayaa ku jira dadaal uu ku doonayo inuu xilka ku waayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari,waxaana la ogeyn qorshaha wasiirada qaar iyo Ra’iisul wasaare Kheyre sida uu noqon doono

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here