Qarax Khasaare Geystay oo Ciidamada Itoobiya lagula eegtay Gobolka Gedo

0
186

qarax Khasaare kala duwan dhaliyay  ayaa  lagula eegtay ciidamada Itoobiya  degaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Wadada Luuq iyo Sidoo kale degaanka Yurkud oo ka tirsan gobolka Gedo .

Dadka  degaanka Yurkud ayaa sheegay in ciidamo  kor u dhafaya illaa Afar askari inay ku dhinteen qaraxaasi miinada oo bur bur xooggan gaarsiiyay gaarigii uu qabsaday qaraxa oo noociisa uu yahay Uuraal.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in sidoo kale ciidamada Itoobiya ay jiraan dhaawacyo kala duwan oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Al Shabaab oo ka dambeysay qaraxa ayaa sheegatay inay dileen askar badan oo Itoobiyan ah oo la socday gaariga Uuraalka ah ee qaraxa uu qabsaday.

War ka soo baxay Shabaab ayaa waxa ay ku sheegtay ku dhawaad 10 askari oo Itoobiyaan ah inay ku dileen qaraxaasi, inkastoo aanan si dhab ah loo xaqiijin karin sheegashada Shabaab khasaaraha intaasi la eeg.

Ciidamada Itoobiya ayaana qayb ka ah ciidamada midowga Africa ee AMISOM oo nabadeyn u jooga gudaha dalka soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here