Dowlada Syria oo Guulo ka sheegatay Dagaalada Bariga Ghouta

0
69

Telefishinka qaranka ee Suuriya ayaa sheegaya in milatariga dalkaasi uu fallaagada ugu baaqayo in ay si deg deg ah uga baxaan magaalada Harasta oo la rumeysan yahay in ay tahay degmada ugu yare e ay mucaaradku maamulaan agagaarka Damascus.

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa duulaankooda ka dhanka ah goobaha ay ka taliyaan fallagada ee bariga Ghouta (Quuda) waxa ay cadaadis xooggan ku sii saarayaan deegaanadaasi.

Dowladda Suuriya ayaa sheegaysa in ay hada 80%  gacantoda ku jiraan Deeganada Bariga Ghouta.

Wararka lahelayana waxa ay sheegayan in dad ka badan 20 Kun oo rayid ah ay halkaasi ka qaxeen maanta.

Kooxaha xaquuqul insaanka ee qaramada midoobay  ayaa sheegaya in in kabadan kun qof oo rayid ah lagu dilay gulufka ay dowladda ku qaaday deegaanadaasi ku yaala bariga Ghouta.

Dowladda Suuriya ayaa bishii la soo dhaafay bilowday dagaal ballaaran oo ay dib ugu qabsaneyso Bariga Ghouta, oo u dhow caasimadda dalkaasi ee Dimishiq.

Milatariga dalkaasi ayaa lagu eedeeyay inay beegsadaan shacabka, balse waxay ku andacoonayaan inay isku dayayaan xoreynta gobolka  oo ka mid ah goobaha ugu dambeeya ee ay mucaaradku ku xooggan yihiin.

Qaramada Midoobay ayaana weerarradaasi ku tilmaantay “kuwo aan la aqbali karin”, iyadoo sheegtay inay waxyeello ba`an ka soo gaarto rayidka.

 

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here