(Dhegeyso) Xagee marayaa dhismaha wadada Ceeldaahir Ceerigaabo

Dhismaha wadda Ceel daahir iyo Ceerigaabo ayaa meel wanaagsan maraya kadib markii Dhismaha waddadaasi lasoo bilaabay 2015kii kaasoo xiligan meel wanaagsan maraya.

Gudoomiyaha gudiga ku hawlan dhismaha wadda Ceel daahir iyo Ceerigaabo ayaa ka hadlay lacag laga qaado Gadiidka iyo Ardayda dugsiyada Puntland kuwaasoo uu sheegay inay xiligan si rasmi ah u gaarto gacanta gudiga.

Gudoomiyaha gudiga oo lahadlay Radio Gaalkacyo ayaa sheegay in dhawaan lasoo gaba gabayndoono wajiga Koowaad ee dhismaha wadda Ceel daahir iyo Ceerigaabo halka loogudbayo Wajiga labaad ee dhismaha waddadaasi.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Gudoomiyaha gudiga dhismaha wadda Ceel daahir iyo Ceerigaabo ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Kuwa Puntland ugu baaqay inay sii laga jibaaraan shaqadii iyo dhismaha wadadaasi si Mashruucaasi uusan u noqon mid fashil ku yimaado.

Halkaan ka dhegeyso codka.

Puntlandonline.net

 


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.