Xiisad ka taagan xarunta Baarlamaanka iyo AMISOM oo la wareegtay

0
530

Muqdisho- Ku dhawaad 100 Askari oo ka tirsan ciidamada Ugand ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa guud ahaan la wareegay Ammaanka xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdishio.

Xarunta Golaha Shacabka ma jiraan shaqooyin badan oo ka socda, waxaana horay u joogay ciidamo loogu tala galay in ay xaqiijiyaan Ammaanka.

Ciidamadaan ayaa yimid ka dib markii Guddoomiye Jawaari uu xalay shaaciyay in ciidamo uu soo diray Ra’iisul Wasaare ay la wareegeen xarunta.

Khilaafka ka dhex taagan baarlamaanka Soomaaliya ayaa xoogeystay, waxaana uu sameyn ku yeeshay howlihii baarlamaanka Soomaaliya.

Wadamada Beesha caalamka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa walaac xoogan ka muujiyey khilaafka ka dhex jira Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya,waxaana ay ugu baaqeen Madaxda Soomaalida inay xaalada Dajiyaan.

Puntlandonline.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here