(Sawirro) Gabar wiil Bajaajle ah ku durtay Irbad oo la qabtay

Wiil Bajaajle ah oo ka shaqeeya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa cirbad ku durtay gabar la sheegay inay soo raacday rrintan aya ka dhacday isgoyska tarabuunka Ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka aya gacanta ku dhigay wiilka bajaajlaha ah iyo gabadha la sheegay inay irbada ku durtay xili uu dhex marayaye Muran xoogan.

Macada arrintan waxa ka dambeeya iyo in ay tahay sida loo maleynaayo Ee ah in ay jiraan cirbado lagu duraayo oo Wax loogu geysanaayo Caafimaadkooda; haseyeshee maalmihii ugu dambeyay Dadka reer muqdisho aya waxa ay hadal hayeen dhibaatooyin kala duwan oo la xiriirta Cirbad lagu talaalayo Dadka si ay u qadaan HIV.

ciidanka amaanka ayaa wada Baaritaano ku aadan sababta ay gabadhaan ugu durtay wiilka iyo waxa ku qasbay arintaan.

HIV waxay u taagan tahay fayraska hoos u dhiga difaaca jirka bani’aadamka. HIV wuxuu dhaliyaa AIDS,AIDS wuxuu u taagan yahay Astaanta la qaado ee hoos u dhaca difaaca jirka.

La qaado micnaheedu waa wax aan layska dhaxlin. Hoos u dhaca difaaca jirka micnihiisu waa burburka difaaca nidaamka difaaca jirka.

Astaanta (syndrome) waxaa loola jeedaa cuduro badan oo laga yaabo inay la xiriiraan cudur kale. Xaaladaan, cudurada ka faa’iideysta nidaamka isdifaaca jirka oo daciifa ayaa loo isticmaalaa in AIDs ku ka mid yahay.

Sidee baad u qaadeysaa HIV?

HIV waxaa lagu faafin karaa iyadoo:
# Looga galmooda ferjiga ama dabada qof qaba HIV aana la isticmaalin wax kaa ilaaliya.

# La wadaagida qalabka laysku duro qof qaba HIV.

# Hooyada qabta HIV inay ilmaha qaadsiiso inta uu uurka ku jiro, markuu dhalanayo ama naasnuujinta.

# Galmo afka ah la yeelashada qof qaba HIV oo aan isticmaalin wax difaac ah (badanaa ma dhacdo).

HIV waxaa lagu faafiyaa badanaa galmada aan la isticmaalin kondhom, wadaagida irbadaha laysku duro.

Ma ka qaadi karaa HIV cayayaanka, xayawaanka, fadhiga musqusha, mucaanaqeynta, gacan qaadka salaanta, alaabta guriga, berkadaha dabaasha iwm?

Maya! HIV ka laguma faafin karo xiriirka qoyska iyo bulshadeed ee caadiga ah.

HIV ku kuma noolaan karo wax badan jirka dibadiisa. Waxaa dili kara warankiilada caadiga ah ee guriga, ama saabuun iyo biyo diiran.

HIV/AIDS ma la daaweyn karaa amase laga bogsan karaa?

Wakhtigan xaadirka ah Ma jiro wax tallaal ah ama daawo ay leedahay HIV ama AIDS. Si kastaba ha ahatee waxaa jira daawooyin lagudaaweeyo oo dib u dhigi kara ama ka hortegi kara jirooyinka la xiriira AIDS ka.

Daawooyinkan qaadashadoodu ma sahlana waxyeeladooda awgood, intaad ka qaadaneyso daaweyntan oo dhib badan. Mar haddii uu qof bilaabo qaadashada daawo uu leeyahay HIV, waa inay wadaan qaadashadeeda noloshooda oo dhan.

Waxaa sidoo kale jira daaweyn qaar badan oo ka mid ah jirooyinka la xiriira HIV iyo AIDS.
Daawooyinka casriga ah ayaa sidoo kale loo isticmaalaa in lagu maamulo waxyeelada daawada iyo horumarinta wanaaga. Daawooyin cusub iyo daaweyn ayaa had iyo jeer la tijaabiyaa.

Hadaba hadii arrintan ay jirto waxa ay horseedi kartaa iney si xowli ah ku kororto dhibanayasha xanuunkan.

Waxana looga hortagi karaa in xukun culus laga soo saaro arrintan ama Ciqaab adag la marsiiyo Nolol burburiyaasha Xaasidiinta ah.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.