(Maqaal) Maxaa Shalay Maanta uga eg (DP WORLD Imaaraad iyo EIC dii Ingiriis)

0
430

Waxaan ku nool nahay duni isbedelaysa , quwadaha dunidana baratan ugu jiraan sidii ay ku qabsanlahaayeen umadaha taagta daran ee dhaca goobaha muhiimka u ah ganacsiga dunida ama ilaah ku manaystay khayraadka dabiiciga ah, waana tab soo jireen ah oo waligeed ninkii awood isbidaa uu kula kaco ciddii markaa ka taagdaran ee alla u loogo.

Taariikhda waxa ay noo sheegaysaa in hanka gumaystayaasha dunida intiisa badan uu ka soo askumo dano baadi goobka ama kusoo gabashada dano ganacsi ,hadhawna isu rogi jiray qabsasho iyo amar ku taaglayn marka dame lagula kaco dadyawga lagu habsaday.

Boqortooyadii Ingiriiska ee beri la oran jiray “boqortooyada aan qorraxdu ka dhicin” marka la eego sida ay dunida oo dhan ugu lug fidsatay , una qabsatay, waxa ay yagleeshay sanadii 1600 shirkad ganacsi oo ku caan baxday magaca East India Company (EIC), taas oo ujeedka lagu maldahay ahaa inay tahay shirkad u taagan dano ganacsi , kana shaqaynaysa Qaaradda Hindiya oo (xilligaas la isku oranniray Pakistan, Hindiya, iyo Bangaladesh .

Shirkadda waxa boqoradda Ingiriisku u fasaxday inay arrimaha ganacsiga kaligeed ka fuliso dhulkii Bariga ee boqortooyada ka talinaysay muddo 15 sanno ah tartan la’aan.

Shirkadaasi si dhaqso ah ayay galbeedka Hindiya ugu yeelatay xafiisyo , uguna fiday , waxayna meesha ka saartay joogitaankii ama galaangalkii ganacsi ee Holandiiska ee gayigaas ka jiray, waxaana markii dame ay shirkaddu la wareegtay hawlihii gaadiidka badda ee qaaradda Hindiya.

Intaas kuma harin shirkaddu ee waxay u luga fidsatay Bariga dhexe iyo Iran oo ay ka heshay xaruuma ganacsi iyo galaangal dhaqaale u suurtageliyay inay isku xirto Shaahii xukumay Iran iyo Dawladdii Ingiriiska iyada oo afka ciidda u dartay Burtaqiiskii , Faransiiskii iyo Holandiiskii .

Shirkadii Ingiriisku waxa markii dame isu rogtay shirkad wayn oo leh ciidamo u gaara oo ka amarqaata iyo awood aan la loodin karin oo ka xoog badan midka dawladaha , tiiyoo keentay inay xoog ku qabsadaan dhulka hadda loo yaqaan Bangaladhesh .
Markii dame , waxaa khilaaf ka dhex qarxay dadka u dooda ganacsiga xorta ah iyo shirkadda , waxaana dooda gaartay ilaa heer dawladda Ingiriiska ay u adkaysan waydo musuqii iyo amar ku taaglayntii shirkadda sidaasna ay kusoo farageliso oo ay sanadii 1833 ka qaado ugolaanshihii shirkadda u haysatay in kaligeed xodaraysato ama ku amar taaglayso ganacsiga Hindiya oo dhan .

Waxaa loo aaneeyaa tallaabada gumaystaha Ingiriisku ka qaaday cadaadis xoogan oo ka dhashay kacdoon ay Hindida sameeyeen oo la magacbaxay (Siibawi) oo ka dhan ahaa shirkadda kaas oo tooshka ku ifiyay sida shirkaddu ugu fashinlantay wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqaale, diimeed , bulsho iyo siyaasadeed ee haysata dadkii reer Hindiya ee ay dekadahoodii iyo khayraadkoodii ay daldalatay ay baqaska ku qaadatay shirkaddu.

Sanadii 1859 waxa Ingiriisku soo saaray xeer baabi’inaya shirkadaas aan soo sheegnay gabi ahaan, waxaana hawsheedii la hoos geeyay wasaaradda dawladda u qaabilsanayd gayiga Hindiya.

Haddaba , marka la eego sooyaalka shirkaddaas Ingiriis iyo tabaha maalgashi iyo ganacsi ee ay adeegsatay si ay ugu ogolxaarto qabsashadii Ingiriis ee dul badan , maanta ma moodaa in shirkadda loo yaqaan DW World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta soo miinguurisay isla tabihii gumaytihii iyaga tababaray uu horay u adeegsaday si uu dekado iyo khayraad umada kale u qabsado .

Aragtitayda gaaban markaan cabiro waxa labada shirkadood isaga egyihiin wax yaalaha soo socda :

1- Ujeedada : labadu waxa ay ka simanyihiin inay doonayeen ku habsiga dekadaha iyo marinada ganacsi iyo daabulashada khayraadka dalalka ay ka hawlgalaan.

2- Samaysashada ciidamo gaara: labada shirkadood waxa ay ka simanyihiin in mid walbaa yagleeshay ciidan u gaara oo tababaran.

3- Tartanka iyo amar ku taaglaynta : labadaba waxa ay ka simanyihiin inay matalayaan danaha dalalkooda , meeshana laga cayrsanayay dawlado iyo quwada kale.

4- Sharci ku tumashada :labada shirkadood midna ma xushmayn xuquuqda dalalka ay ka hawlgaleen , waxa ay xooga saaraan fulinta ujeedkooda xitaa haddii ay taasi keenayso ku tumashada qaranimada , dadnimada iyo madaxbanaanida umadaha .

Gabagabo, waxaa cad in labada shirkadood isu egyihiin , ujeedooyinkana ka simanyihiin, haseyeeshee, midna uu lahaa gumayste guun ah oo xoog badan midna ay kasoo jeedo gumayste awood dhaqaale mooyee aan xoog kale lagu ogayn oo haddii uu helo cid la faylanta ay u badantahay inuu cararo.

W/Q : Ustaad Salim Said

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here