(Dhegeyso) Xukuumadda Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Howlgal uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo

0
538

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Warabahinta kula hadlay Xarunta ciidanka xoogga dalka ee Wasaaradda Gaashandhigga ayaa ka hadlay howlgal ay dhawaan bilabi doonan ciidamada xoogga dalka.

Wasiir Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ay wadaan abuubul ka duwan kuwii hore kaas oo looga soo horjeedo Al-Shabaab,isla markaana uu abaabylkeea uu leeyahay Madaxweyne Maxamed cabdullahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay in hwolgalkaan ay siwadajir ah u fulin doonaan Ciidamo isku-dhaf ah,sidaas silmid ahna isbedel lagu sameeyay hogaanka ciidankax oogga dalka Soomaaliya.

Waxa uu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Shacabka in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo dhawaan uu shegay in uu bilaaban doono.

Halkaan Hoose dhegeyso Shirka Jaraa,id ee wasiirka.

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here